Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 19-Good News for the Sick -- 017 (THE BLIND SEE AND THE DEAF HEAR)
Previous Chapter -- Next Chapter 19. Bishaaro ee Bukaanka ah
QAYBTA 2 - MUCJISOOYINKA CIISE
3. INDHO LA'AANTA WAX ARKA IYO KUWA WAX MAQLA“Waxaa u yimid dad badan, oo waxay keeneen kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwo kale oo badan, oo waxay hor keeneen cagihiisa; wuuna bogsiiyey. Dadkii baa yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii curyaanka ahaa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indha la'aa oo wax arkaya. Oo waxay ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.” (Matayos 15:30, 31) Dad badan ayaa Ciise ka helay aragga iyo maqalka. Isla markaana waxay la kulmeen soo kabashada ruuxa. Ma ahayn “kadis” markuu Ciise shuqulladan waaweyn ku sameeyey. Wuu ogaa in kolkuu Masiixu soo muuqday, markaas, siduu Ilaah kaga hadlay nebigii weynaa ee Isayos: “Markaas kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, kuwa dhegaha la' dhegahooda furmi doonaan. Markaasaa kuwa curyaanku u boodboodi doonaan sida deerada oo kale, oo carrabkii carrab la'aa wuxuu la qaylin doonaa farxad." (Ishacyaah 35:5,6) Shuqulladan waaweyni waxay u tuseen dadkii markhaatiga u ahaa inuu Ciise qudhiisu yahay Masiixa iyo in boqortooyadii Ilaah dhow dahay. |