Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 006 (The Light of the World)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 1 - GAALADA INJIILKA MASIIXA
Iftiinka AdduunkaQur’aanku waxa uu ka marag kacay in nuurka Eebbe uu si cad ugu iftiimay injiilka iyo in qof kasta oo akhriya ereyada masiixa uu iftiimin doono si iftiinka jannada uu uga dhex ifiyo isaga. Oo gudcur kuma socon doono, laakiinse wuxuu yeelan doonaa mustaqbal ifaya. Masiixu wuxuu yidhi, "Anigu waxaan ahay nuurka dunida, kii i raacaa gudcur kuma socon doono, laakiinse wuxuu yeelan doonaa nuurka nolosha" (Yooxanaa 8:12). Masiixu wuxuu u iftiimiyaa xertiisa si ayan ugu socon nolosha iyagoo weji gabax, laakiin ay iftiinka jannada qalbigooda ku dhex sitaan. Masiixu wuxuu yidhi, "Iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan" (Matayos 5:16). Waxay ka tegi doonaan khiyaanada iyo sinada iyo nacaybka, oo waxay u adeegi doonaan kuwa kale si iftiinka jannadu iyaga ugu jiro. |