Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 048 (Introduction)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 5 - CALAAMADAHA GAAR AH EE WIILKA MARYAM
HordhacQofkii si taxadar leh u akhriya Qur'aanka, wuxuu ogaanayaa in Eebbe siiyey Wiilka Maryan "calaamadaha cad" (al-Bayyinat) si uu u caddeeyo adeeggiisa rabbaaniga ah, oo uu ku dhaqmi jiray xoogga Ruuxa Quduuska ah. Waxaynu ku milicsan doonnaa shanta aayadood ee ay ku soo arooreen xujooyinkan xiisaha leh. “Waxaan siinay Nabi Muuse Kitaabkii, waxaana dirray gadaashiisa Rasuullo kale, waxaana siinay Nabi Ciise Ibnu Maryam Aayado cad cad, waxaana ku adkaynay Ruuxa Quduuska ah…” (Suuradda Al-Baqara 2:87) وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ وَقَفَّيْنَا مِنْ بَعْدِهِ بِالرُّسُلِ وَآتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَات وَأَيَّدْنَاه بِرُوح الْقُدُس ... (سُورَة الْبَقَرَة ٢ : ٨٧) Muxammad waxa uu maqlay wax ku saabsan adeegii Ciise, waxana uu rumaysnaa in aanu waxba barin, ka digin oo aanu wax sii sheegin, balse uu sameeyey mucjisooyin badan oo muuqda. Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa awoodda Alle. Wiilka Maryan sharci cusub ma keenin, laakiin sidoo kale wuu bogsiiyey kuwii bukay, kuwii dhintayna wuu nooleeyey, kuwii sharka lahaana wuu wanaajiyey. Masiixu wuxuu Injiilkiisa kaga helay Eebe waxyi toos ah oo wata calaamado cad cad oo caddayn u ah baaqiisa rabbaaniga ah. Eebbana wuxuu gaadhsiiyey darajada ugu sarraysa ee nabiyada oo dhan. “Kuwaasi waa Rasuullo, waxaana ka fadilnay qaarka kale, qaarkoodna Eebe wuu la hadlay, qaarna darajooyin buu u yeelay, waxaana siinay Nabi Ciise Ibnu Maryam Aayado cad cad, waxaana ku xaqiijinnay Ruuxa xaqa ah Quduuska ah." (Suuradda al-Baqara 2:253). تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ مِنْهُمْ مَنْ كَلَّمَ اللَّهُ وَرَفَعَ بَعْضَهُمْ دَرَجَاتٍ وَآتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَات وَأَيَّدْنَاه بِرُوح الْقُدُس ... (سُورَة الْبَقَرَة ٢ : ٢٥٣) Waxaannu wax ka akhrinnay Muuse kitaabkii Tawreed, in RABBIGU isaga la hadlay, fool ka fool (Baxniintii 33:11). Muxammad waxa uu maqlay warkaan xiisaha leh,waxana uu u arkayay in ay la macno tahay in Muuse laga door biday nebiyada kale. Arrintii wuu baadhay oo wuxuu maqlay in Eebbe siiyey nabi Muuse sagaal calaamo oo rabbaani ah, kuwaas oo laba ka mid ah si faahfaahsan loogu sheegay Qur’aanka (Suuradda al-Israa’ 17:101 iyo al-Naml 27:12). Calaamadahaas uu Nabi Muuse ku sameeyey Masriyiintii waxa ay ahaayeen qaar ka mid ah tobankii belaayo ee Eebe ku sheegay kitaabka Tawreed, kuwaas oo uu Muuse ku soo dejiyey Fircoon iyo qoomkiisii si uu u sii daayo Cibraanadii la addoonsanayey. (Baxniintii 7:1 - 12:51) Hase yeeshee, Wiilka Maryan wuxuu Rabbigiis ka helay mucjisooyin aan xad lahayn oo nimco ka buuxo oo uu dad badan oo buka ku bogsiiyey., kaasoo uu kuwa badan oo buka ku bogsiiyey, kuwa rajo beelay ku qalbi qaboojiyey, oo kuwii lumay ku badbaadiyey kuwii dhintay. Masiixu uma uu yeelin ciqaabo ama belaayo umadiisa caasiyiinta ah, laakiin wuxuu iyaga ugu yimid naxariis sida Adhijirka Wanaagsan, iyo sidii dhakhtar bogsiinaya iyo caawiye naxariis badan. Waana sababta uu quraanku ugu yeedhay rasuulkii ugu waynaa ilaa waagaas. Erayga "calaamadaha cad" (al-Bayyinat) ee khuseeya Masiixa waxay ku soo aroortay Suuradda al-Baqara 2:87, 253; -- al-Maa'ida 5:110; -- al-Zukhruf 43:63; -- al-Saff 61:6. |