Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":

Previous Chapter -- Next Chapter

20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 4 - MAGACYADA IYO SIFOOYINKA EE MASIIXA QURAANKA KU JIRA

22) Nabad (سلام)


Qof kasta oo u fiirsada hab-nololeedkii Masiixa sida Injiilka iyo Qur'aanka ku xusan, wuxuu ogaanayaa inuu yahay nin nabadeed, ee uusan ahayn nin dagaal iyo rabshad wata. Wax weerar ah kama uu qayb qaadan, mana uu diyaarin weerar gaadmo ah oo ka dhan ah cadowgiisa. Isagu uma yeedhin inuu dagaallamo, laakiinse wuxuu yidhi, “Kuwa seefta qaata oo dhammu seef bay ku baabbi'i doonaan.” (Matayos 26:52) Waligiis ma aqbali doono booli, ama addoommo - laakiin wuu cafiyey cadaawayaashiisa, dembiyadooda ka qaaday oo Ilaah la heshiiyey. Wuxuu jeclaa masaakiinta, kuwa dhibaataysanna wuu u qalbi qaboojiyaa.

Ina Maryan waxa uu ka marag kacay sida ku cad Suuratu Maryan 19:33, “Nabadgelyo korkayga ha ahaato maalintaan dhashay, maalinta aan dhimanayo iyo maalinta laysoo bixin anoo nool”.

Nabadgelyo korkiisa ha ahaato dhalashadiisii ilaa dhimashadiisii. Isagu waa amiirka nabadda, maxaa yeelay, nabad buu dhex dhigay Ilaah iyo dadka. Isagu waa Muslimka dhabta ah, wuxuuna ka buuxinayaa dhammaan kuwa isaga ku kalsoon nabaddiisa weligeed ah. Wuxuu ku yidhi barakooyinkiisa, "Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeya, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah." (Matayos 5:9)

Waa ayo Masiixa ina Maryan?

Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato kii Ruuxa Ilaah ka dhashay, noo soo qor oo waxaannu kuu soo diri doonaa nuqul bilaash ah oo injiilkiisa asalka ah oo leh fikirro iyo duco.

Ma garanaysaan Run-doonayaasha?

Mid ka mid ah qaraabadaada ama saaxiibbadaa ma ku dadaalaan inay ogaadaan runta Masiixa? Markii la codsado, waxaan diyaar u nahay inaan kuu soo dirno tiro xaddidan oo buug-yarahaan ah si aad u siiso kuwa runta doonka ah.

Noogu soo qor ciwaanka hoostiisa:

GRACE AND TRUTH,
P.O.Box 1806
70708 Fellbach,
GERMANY

E-mail: info@grace-and-truth.net

السَّلاَمُ عَلَيَّ
يَوْمَ وُلِدْتُ
وَيَوْمَ أَمُوتُ
وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيّاً.
(سُورَةُ مَرْيَمَ ١٩ : ٣٣)

Asalaamu calaykum
maalintii aan dhashay,
maalinta aan dhinto
iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.
(Suuradda Maryan 19:33)

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on September 28, 2024, at 07:43 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)