Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 039 (Like Adam)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 4 - MAGACYADA IYO SIFOOYINKA EE MASIIXA QURAANKA KU JIRA
14) Sida Aadam (مثل آدم)Baybalka iyo Quraankuba waxay ka marag kacayaan inuu Masiixu ahaa nin dhab ah oo ka soo farcamay Aadan. Isagu wuxuu la mid noqday bini'aadamka dhan walba, laakiin wuxuu ku noolaa dembila'aan (Filiboy 2:7-8; Cibraaniyada 2:17). Isla mar ahaantaana, waxaan helnaa farqi weyn oo u dhexeeya Aadan iyo Masiix: AADAM waxa laga abuuray ciid -- laakiin MASIIXA waxa uu ka dhashay ruuxa Alle.
AADAM wuu kibraa oo damcay inuu noqdo sida Eebe oo kale --laakin MASIIX wuu hoosaysiiyay oo wuu dafiray naftiisa wuxuuna ku noolaa addeecida Aabihiis ruuxiga ah ee jannada ku jira.
AADAM wuu dembaabay, wuu dhintay, lafihiisiina way qudhmeen (maanta wuu dhintay) -- laakiin Masiixu ma dembaabin, ee wuxuu u dhintay beddelkayaga, wuxuuna si guul leh uga soo kacay xoogga dhimashada (maanta wuu nool yahay).
AADAM waxa laga saaray Jannada isaga oo aan xaq u lahayn in uu soo noqdo oo uu ku soo dego dhulka --laakin MASIIX waxa uu koray uga kacay dhulka una yimid Alle Aabbihiis ruuxiga ah,isagoo ku soo laabtay meeshuu ka yimid,halkaas oo uu isaga la nool yahay weligiis.
Masiixu run ahaantii wuxuu ahaa Aadan oo kale, laakiin isla wakhtigaas, wuu ka duwanaa. Tixraacyada Qur'aanka ee Masiixa la mid ah Aadan: Suuradda Al-Cimraan 3:59; -- al-Zukhruf 43:59. |