Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 096 (Signs of the Last Hour)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 6 - MA OGTAHAY XIKMADA MASIIXA?
37. Calaamadaha Saacadda Aakhiro"3 Goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertiisii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan? Oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?’ 4 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. 5 Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 6 Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira inaydnaan welwelin; Waayo, waxyaalahaas oo dhammu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli ma aha. 7 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo. Oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo cudurro iyo dhulgariir. 8 Waxyaalahan oo dhammu waa bilowgii caloolxumada. 9 Markaasay dhib idiin dhiibi doonaan oo idin dili doonaan, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammu idiin nebcaan doonaan. 10 Markaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. 11 Markaasaa waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo kuwo badan ayay khiyaanayn doonaan. 12 Oo dembigu waa badnaan doonaa, kuwa badan jacaylkoodu wuu qabow doonaa. 13 Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, wuu badbaadi doonaa. 14 Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u ahaado quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta. (Matayos 24:3-14) |