Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 102 (How Will The Lord Judge You?)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 6 - MA OGTAHAY XIKMADA MASIIXA?
43. Sidee buu Rabbigu kuu xukumi doonaa?“17… geed kasta oo wanaagsan midho wanaagsan buu dhala; laakiin geedka xun midho xun buu dhalaa. 18 Geed wanaagsan midho xun ma dhali karo, geed xunna midho wanaagsan ma dhali karo. 19 Geed kasta oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa. 20 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku garan doontaan midhahooda. 21 Ma aha mid kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, geli doona boqortooyada jannada; laakiin kan yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira. 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Sayidow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga calaamooyin badan ku samayn? 23 Oo markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon; iga taga, kuwiinna dembidhaafka ahow.’ ” (Matayos 7:17-23) |