Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 103 (The Conclusion of All)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 6 - MA OGTAHAY XIKMADA MASIIXA?
44. Gabagabada Dhammaan“24 Haddaba ku alla kii erayadaydan maqla oo yeela waxay la mid noqon doonaan nin xigmad leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa; 25 roobkiina waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday oo ku dhaceen gurigaas, ma uu dumin, maxaa yeelay, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Oo ku alla kii erayadaydan maqla oo aan yeelin, wuxuu noqonayaa sidii nin nacas ah oo gurigiisa ka dul dhisay ciidda; 27 Roobkiina waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday oo ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay; dhicitaankeeduna aad buu u weynaa.” (Matayos 7:24-27) Ma doonaysaa inaad wax badan ka ogaato xigmadda Masiixa?Haddii aad naga codsato, waxaan diyaar u nahay inaan kuu soo dirno injiilka Masiixa oo dhammaystiran oo ay wataan bandhigyo aayaadkiisa oo bilaash ah, si aad u ogaatid macnaha iyo gunta xigmadda Masiixa. Ku faafi xigmadda Masiixa saaxiibbadaada iyo deriskaaga dhexdooda!Haddii uu buug-yarahan ku taabtay, oo aad garatay xigmadda Ilaah ee Masiixa, oo haddii aad xiisaynayso inaad ku dhex faafiso asxaabta xiiseeya xigmadda rabaaniga ah, markaa waxaan diyaar u nahay inaan kuu soo dirno tiro xaddidan ee buug-yarahaan waxtarka leh, haddii aad weyddiisato. Waxaan Rabbiga nool uga baryeynaa inuu maskaxdaada ku buuxiyo xigmadiisa rabaaniga ah. Noogu soo qor ciwaanka hoostiisa: GRACE AND TRUTH, E-mail: info@grace-and-truth.net وَلَمَّا جَاءَ عِيسَى بِالْبَيِّنَاتِ قَالَ Markuu Ciise calaamooyinkiisii la yimid ayuu yiri: |