Previous Chapter -- Next Chapter
Waa kuma Sakariyas? Aabbaha Maryan ee korsashada?
Qur’aanka kariimka ah waxa aynu ku akhrinay in Eebbe Maryan nimco ku qaabilay, waayo waxay ahayd mid aamin ah salaadda. Sakariyas, oo aabbaheed korsaday, ayaa mas'uul ka ahaa iyada.
"Markaasuu ka aqbalay Eebaheed (Yacnii Maryan) fadli badan, wuxuuna u soo koriyey sidii geed wanaagsan oo kale, wuxuuna u wakiishay Zakariye, mar kasta oo uu u soo galo Sakariyas macbudka dhexdeeda wuxuu ka heli jiray cunto. ‘Maryama, wuxuu yidhi, Sidee baa waxanu kuugu yimid? Waxay tidhi, Xaga Eebe bay ka ahaatay, Eebana wuxuu ku arzuqaa cidduu doono xisaab la'aan." (Suuradda Al-Cimraan 3:37).
فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٍ وَأَنْبَتَهَا نَبَاتًا حَسَناً وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّا كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِنْدَهَا رِزْقاً قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّى لَكِ هَذَا قَالَتْ هُوَ مِنْ عِنْدِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَرْزُقُ مَنْ يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ. (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٣٧)
Waxaa taas iyo aayadaha kale ee Qur'aanka ka cad in Muxammad uu halkan uga hadlay Maryan kale, taasoo ah Masiixa hooyadii. Maryan, Haaruun walaashiis, waxay markii hore ku noolayd Masar, ka dibna waxay dadkeedii ula carartay cidlada halkaas oo ay ku dhimatay 1350 sano Masiixa ka hor (Tirintii 20:1). Maryantii ugu horraysay waxay ka tirsan tahay qabiilka Laawi, oo ah qabiilka wadaadnimada ee Israa'iil; Maryan, masiixa hooyadii, waxay noolayd boqollaal sano ka dib waagii Sakariyas oo wadaad ahaan uga shaqayn jiray macbudka Yeruusaalem waagii Roomaanka. Maryan labaad waxay sidoo kale ka tirsanayd qabiilka reer Laawi, sababtoo ah Elisabed, naagtii Sekaryaah, waxay ka mid ahayd farcankii Haaruun (oo u ekaa Muuse oo ka mid ah qabiilka Laawi, Baxniintii 6:16-20) iyo Maryan, Hooyadii Masiixa waxay ahayd qaraabo Elisabed. (Eeg Luukos 1:5 iyo 36) Sidaa darteed, Maryantii labaad, Masiixa hooyadiis, kama ay soo cararin Masar iyada iyo Muuse, sidii walaashii Haaruun, oo iyadu lama ay socon dadkeeda cidlada Siinay. Waxay ku noolayd boqol kiiloomitir Waqooyiga Yeruusaalem ee Naasared, magaalada Galili. Labadan Maryan ayaa mid laga dhigay waxyigii Muxammad.
In kasta oo uu da' weynaa, haddana Sakariyas wuxuu noqday Yaxya aabbihiis, kaas waa Sakariyas aabbihii Yooxanaa Baabtiisaha, kaas oo jidka u diyaariyey ina Maryan. Yooxanaa ina Sakariyas markuu ka hor yimid Boqor Herodos oo sinadiisii u canaantay, nebigii cidlada ka qayliyey ayaa lagu xidhay amar boqor, oo madaxana waa laga gooyay. (Sura Al-Cimraan 3:38-41; Suuradda Maryan 19:3-15; Luukos 1:5-80 iwm).