Previous Chapter -- Next Chapter
Heesta Amaan Maryan
Ka dib markii malaa'ig Jibriil u caddeeyey Maryan, sida Injiilku sheegayo, sirta dhalashada Wiilkeeda oo uu u muujiyey magaceeda gaarka ah, magaca iyo sifooyinkiisa, Maryan waxay ku raacday addeecitaankeedii rumaysadka, qorshaha Rabbiga ee madaxfurashada (Luukos 2:34-38).
Markaasaa bikraddii degdeg u tagtay gurigii wadaadkii Sakariyas ahaa iyo naagtiisii Elisabed, oo in kastoo ay da' weynaatay ayay iyana uuraysatay RABBIGA hortiisa. Halkaa, Maryan waxay Rabbiga ku ammaantay oo ku weynaysay gabaygeedii caanka ahaa ee malaayiin qof ku celceliyeen baryadoodii. Erayada heestani waxay muujinayaan inay si qoto dheer uga fiirsato kutubta quduuska ah. Way garatay nuxurkii RABBIGA axdiga ahaa iyo jidadkiisa xaqa ah oo uu dadka kula macaamilayo, markaasay isaga caabudday oo gabay.
"46 Naftaydu RABBIGAY weynaysay,
47 Oo ruuxayguna wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaaha Badbaadiyaha ah;
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa.
Bal eega, tan iyo hadda qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
49 Waayo, kan xoogga badan oo magiciisu quduuska yahay
ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey.
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa kuwa isaga ka cabsada.
51 Isagu wuxuu cududdiisa ku muujiyey xoog, Oo kuwii fikirrada qalbigoodii ku kibrana wuu kala firdhiyey.
52 Kuwa xoogga badan carshigooda wuu ka soo dejiyey, Oo kuwa hooseeyana wuu sarraysiiyaa.
53 Kuwa gaajaysan ayuu ka dhergaa waxyaalo wanwanaagsan, Oo kuwa hodanka ahna madhnaan buu diraa …
55 siduu kula hadlay awowayaasheen Ibraahim iyo farcankiisii weligood. "
(Luukos 1:46-55)
Ma doonaysaa inaad wax badan ka ogaato Maryantii bikrada ahayd iyo wiilkeeda gaarka ah?
Haddii aad rabto inaad si qoto dheer u fahamto xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee kor lagu soo sheegay, waxaan diyaar u nahay inaan kuu soo dirno, codsi, Injiilka Masiixa oo ay weheliyaan fikirro iyo duco khuseeya.
Ma doonaysaa inaad faafiso warka wanaagsan ee furashada?
Haddii aad rabto in aad ka gudubto jaahilnimada asxaabtaada ama deriskaaga ee arrimaha ruuxiga ah, fadlan noo qor annaguna waxaanu kuu soo diri doonaa nuqullo buug-yarahaan ah si aad u qaybiso.
Noogu soo qor ciwaanka hoostiisa:
GRACE AND TRUTH,
P.O.Box 1806
70708 Fellbach,
GERMANY
E-mail: info@grace-and-truth.net
يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ يُبَشِّرُكِ
بِكَلِمَةٍ مِنْهُ اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْن مَرْيَمَ
وَجِيهاً فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ وَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ.
(سُورَةُ آلِ عِمْرَانَ ٣ : ٤٥)
"Maryanay, Allaah ha ku bishaareeyo
oo ah Eray ka yimid kan magiciisu yahay Masiixa, Ciise, ina Maryan;
mid adduun iyo aakhiraba aad u sharaf badan, kana mid ah kuwa la soo dhoweeyey."
(Suuradda Al-Cimraan 3:45)