Grace and TruthThis website is under construction ! |
|
Home Afrikaans |
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 022 (Mary's Hymn of Praise)
Previous Chapter -- Next Chapter 20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 2 - MARYAN, BIKRO, AAYADA ALLE (AAYATOLLAH OO DHAB AH)
Heesta Amaan MaryanKa dib markii malaa'ig Jibriil u caddeeyey Maryan, sida Injiilku sheegayo, sirta dhalashada Wiilkeeda oo uu u muujiyey magaceeda gaarka ah, magaca iyo sifooyinkiisa, Maryan waxay ku raacday addeecitaankeedii rumaysadka, qorshaha Rabbiga ee madaxfurashada (Luukos 2:34-38). Markaasaa bikraddii degdeg u tagtay gurigii wadaadkii Sakariyas ahaa iyo naagtiisii Elisabed, oo in kastoo ay da' weynaatay ayay iyana uuraysatay RABBIGA hortiisa. Halkaa, Maryan waxay Rabbiga ku ammaantay oo ku weynaysay gabaygeedii caanka ahaa ee malaayiin qof ku celceliyeen baryadoodii. Erayada heestani waxay muujinayaan inay si qoto dheer uga fiirsato kutubta quduuska ah. Way garatay nuxurkii RABBIGA axdiga ahaa iyo jidadkiisa xaqa ah oo uu dadka kula macaamilayo, markaasay isaga caabudday oo gabay. "46 Naftaydu RABBIGAY weynaysay, Ma doonaysaa inaad wax badan ka ogaato Maryantii bikrada ahayd iyo wiilkeeda gaarka ah?Haddii aad rabto inaad si qoto dheer u fahamto xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee kor lagu soo sheegay, waxaan diyaar u nahay inaan kuu soo dirno, codsi, Injiilka Masiixa oo ay weheliyaan fikirro iyo duco khuseeya. Ma doonaysaa inaad faafiso warka wanaagsan ee furashada?Haddii aad rabto in aad ka gudubto jaahilnimada asxaabtaada ama deriskaaga ee arrimaha ruuxiga ah, fadlan noo qor annaguna waxaanu kuu soo diri doonaa nuqullo buug-yarahaan ah si aad u qaybiso. Noogu soo qor ciwaanka hoostiisa: GRACE AND TRUTH, E-mail: info@grace-and-truth.net يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ يُبَشِّرُكِ "Maryanay, Allaah ha ku bishaareeyo |