Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":
Home -- Somali -- 20-For Readers of the Qur'an -- 066 (Trust in the Providence of God)

Previous Chapter -- Next Chapter

20. Akhristayaasha Qur'aanka
BUUG-YARE 6 - MA OGTAHAY XIKMADA MASIIXA?

7. Ku kalsoonow rizqiga Ilaahay


25 Waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan iyo waxaad cabbi doontaan; jidhkiinnana ha ahaato waxaad huwin doonto. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanay ka roonayn dharka? 26 Shimbiraha hawada eega, sow waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo weliba Aabbihiinna jannada ku jira ayaa quudiya. Miyaydnaan ka qiimo badnayn iyaga? 27 Midkiinnee intuu welwelo dhudhun keliya ku dari karaa cimrigiisa? 28 Oo maxaad dharka ugu welweshaan? Bal eega sida ubaxshooshannada duurku u baxaan; 29 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30 Laakiin haddii Ilaah sidaas u hagaajiyo cawska berrinka oo maanta nool oo berrito foornada lagu ridayo, miyaanu sidaas oo kale idiinku samayn doonin, rumaysadyarayaalow? 31 Haddaba ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama maxaannu cabbi doonnaa? ama maxaynu huwin doonnaa? 32 Waayo, Aabbihiinna jannada ku jira waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.” (Matayos 6:25-32)

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on October 03, 2024, at 01:31 PM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)