Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":
Home -- Somali -- 14-Christ and Muhammad -- 010 (The Young Creator)
This page in: -- Cebuano -- English -- German? -- Hausa -- Igbo -- Indonesian -- SOMALI -- Telugu -- Ukrainian -- Yoruba

Previous Chapter -- Next Chapter

14. MASIIX iyo MUXAMMAD
Waxyaabaha Laga Helay Quraanka Kariimka Ah Masiix Iyo Muxammad
6. Calaamadaha Muxammad iyo Masiixa

c) Abuuraha Da'da yar


Waxaan ka akhrinay Quraanka - ma aha Injiilka - in Ciise, wiil ahaan, uu ka sameysmay dhoobo u eg shimbir, wuuna ku dhex afuufay; ka dib waxay noqotay shimbir nool, oo hawada sare ku duulaysa:

"Runtii, waxaan ula imid Calaamadda xagga Eebahaa, inaan kaaga abuuro dhoob dhoobo u eg shimbir; markaa waan ku dhex nuuxsanayaa, waxayna noqoneysaa shimbir idanka Alle. Waxaan kaloo bogsiin doonaa indhoolayaasha iyo baraska, waxaanna soo noolayn doonaa inta dhimatay idanka Eebe." (Suuradda Al Cimraan 3:49)

أَنِّي قَد جِئْتُكُم بِآيَة مِن رَبِّكُم أَنِّي أَخْلُق لَكُم مِن الطِّين كَهَيْئَة الطَّيْر فَأَنْفُخ فِيه فَيَكُون طَيْرا بِإِذْن اللَّه وَأُبْرِئ الأَكْمَه وَالأَبْرَص وَأُحْيِي الْمَوْتَى بِإِذْن اللَّه (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٤٩)

Aayaddan dhexdeeda, waxaynu ka helaynaa weedha u gaarka ah, "adiga ayaan kuu abuuri doonaa" ", oo tilmaamaysa inuu Masiixu yahay Abuuraha karti leh. Bini'aadamku wax uun kuma abuuri karo wax aan waxba ahayn, ugumana neefsan karo nolosha wax aan noolayn.

Quraanka kariimka ahi wuxuu ka markhaati kacayaa awooda masiixa inuu ku nooleeyo neeftiisa dhaqsiyaha badan. Wuxuu ku afuufay shimbir dhoobo ah waxayna noqotay shimbir nool, si la mid ah sidii Eebbe hore ugu afuufay Aadam. Tan macnaheedu waxa weeye Masiixu wuxuu naftiisa ku bixiyaa Ruux nolol ku siinaya; Isagu wuxuu awood u leeyahay inuu nolosha ku neefsado dhoobo aan noolayn.

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on November 07, 2023, at 07:14 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)