Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":
Home -- Somali -- 14-Christ and Muhammad -- 012 (The Revealer of Secrets)
This page in: -- Cebuano -- English -- German? -- Hausa -- Igbo -- Indonesian -- SOMALI -- Telugu -- Ukrainian -- Yoruba

Previous Chapter -- Next Chapter

14. MASIIX iyo MUXAMMAD
Waxyaabaha Laga Helay Quraanka Kariimka Ah Masiix Iyo Muxammad
6. Calaamadaha Muxammad iyo Masiixa

e) Soo Bandhigida Sirta


Muxammad quraanka wuxuu ku cadeeyay:

"Ku odhan maayo waxaan hayaa khasnadaha Alle. Mana ogi waxa maqan." (Suuradda al-Ancaam 6:50)

لا أَقُول لَكُم عِنْدِي خَزَائِن اللَّه وَلا أَعْلَم الْغَيْب (سُورَة الأَنْعَام ٦ : ٥٠)

Laakiin Masiixa, kiisku wuu ka duwan yahay. Muxammad wuxuu farta ku fiiqay ciise masiix wuxuuna yidhi isagu waa kan og sirta dadka isla markaana arka waxa maqan; awoodahan ayaa loo kaliyeelay Eebbe oo keliya. Muxammad wuxuu Qur’aanka ka soo xigtay Masiixa:

"Waanan idiinka warrami doonaa waxaad cunaysaan iyo waxaad ku keydinaysaan guryihiinna. Hubaal taasna calaamo baa idiinka sugan haddaad tihiin Mu'miniin." (Suuradda Al Cimraan 3:49)

وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأْكُلُون وَمَا تَدَّخِرُون فِي بُيُوتِكُم إِن فِي ذَلِك لآيَة لَكُم إِن كُنْتُم مُؤْمِنِين (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٤٩)

Muxammad wuxuu ku sifeeyay awooda masiixu inuu yahay mid wax walba og, si uu u canaanto ugana digo qaar ka mid ah taageerayaashiisa mayalka adag. Wuxuu ka xumaaday qaar ka mid ah taageerayaashiisa muslimiinta ah ee ka yimid Madiina, maxaa yeelay waxay ku qariyeen guryahooda raashin iyo khasnado, iyagoo diidan inay la wadaagaan nasiibkooda muhaajiriinta Maka ka yimid. Marka, wuxuu uga digay in Masiixu soo noqon doono dhowaan sida Xaakimka, si uu u xukumo maalinta qiyaamaha. Muxammad wuxuu qirtay in Masiixu ogaan doono wixii ay ku sameeyeen meel qarsoodi ah oo guryahooda ah. Wuxuu garan lahaa ma aha waxay cuneen oo keliya, laakiin sidoo kale wuxuu ogaan lahaa waxay qariyeen. Ma jiri doonin meel looga cararo indhihiisa maalinta Xukunka. Ma jiraan wax caddayn ah ama aqbalaad ka wanaagsan oo dhinaca Muxammad ah ilaahnimada Masiixa oo ka badan tan. Wuxuu qirtay inuu Masiixu ogyahay runta qarsoon oo uu ka akhrisan karo waxyaalaha qarsoon ee ku jira qalbiga dadka. Wuxuu ogyahay dhammaan sirtaada si faahfaahsan. Wuxuu muujin doonaa camalkaaga xumaan iyo samaanba, maxaa yeelay isagaa wax walba og. Qofna waxba kama qarin karo.

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on November 07, 2023, at 07:22 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)