Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":
Home -- Somali -- 14-Christ and Muhammad -- 016 (Muhammad and Christ After Their Deaths)
This page in: -- Cebuano -- English -- German? -- Hausa -- Igbo -- Indonesian -- SOMALI -- Telugu -- Ukrainian -- Yoruba

Previous Chapter -- Next Chapter

14. MASIIX iyo MUXAMMAD
Waxyaabaha Laga Helay Quraanka Kariimka Ah Masiix Iyo Muxammad

8. Muxammad iyo Masiix Geeridoodii Kadib


Muxammad waxaa lagu aasay Madiina, qabrigiisuna ilaa maanta waa uu yaalaa. Muslimiinta waxay rumeysan yihiin in naftiisu ay kujirto meel dhexe oo loogu tala galay meydadka (Barzakh), oo sugeysa maalinta qiyaamaha.

Waxaan ka akhrinay Qur'aanka in Ilaah u sara kiciyey Masiixa naftiisa, una ballan qaaday:

"Ciise, waan ku dili doonaa, adigana kor baan kuu qaadi doonaa." (Suuradda Al Cimraan 3:55)

إِنِّي مُتَوَفِّيك وَرَافِعُك إِلَي (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٥٥)

Ballanqaadkan waxaa lagu xaqiijiyay Qur'aanka sida xaqiiqada rumowday:

"Laakiin Eebbe isagaa isu kiciyey naftiisa." (Suuradda al-Nisaa' 4: 158)

بَل رَفَعَه اللَّه إِلَيْه (سُورَة النِّسَاء ٤ : ١٥٨)

Si kale haddii loo dhigo, Ilaah wuxuu wiilka Maryama uga yeedhay qabriga oo wuxuu kor ugu qaaday naftiisa. Hadda wuxuu ku nool yahay Ilaah agtiisa, isagoo si sharaf leh loogu maamuusay dhulka iyo aakhirada. Quraanka ayaa ka markhaati kacaya:

“Maryama, Eebbe wuxuu kuugu bishaareynayaa kalimad ka timid xaggiisa magiciisu yahay Masiixa, Ciise, ina Maryama; sharaf badan adduun iyo aakhiraba, oo loo soo dhoweeyey Alle.” (Suuradda Al Cimraan 3:45)

يَا مَرْيَم إِن اللَّه يُبَشِّرُك بِكَلِمَة مِنْه اسْمُه الْمَسِيح عِيسَى ابْن مَرْيَم وَجِيها فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَة وَمِن الْمُقَرَّبِين (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٤٥)

Xabaasha Masiixu way madhan tahay, waayo isagu wuu sara kacay siduu hore u dhawaaqay. Laakiin hadhaagii Muxammed weli wuxuu ku jiraa qabrigiisii. Masiixu wuu nool yahay. Muxamed waa dhintay. Muxammad waligiis lagama soo sara kicin qabriga, sidoo kale jannada uma kicin. Waxaa jira farqi aan la dabooli karin oo u dhexeeya nolosha iyo dhimashada. Maaddaama noloshu ka weyn tahay dhimashada, sidaas oo kale Masiixu wuxuu ka weyn yahay Muxammad. Ciise waa nolosha weligeed ah ee qofka. Quraanka laftiisu wuxuu si cad ugu sawiray Masiixa nool kuwa raadinaya nolosha weligeed ah.

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on November 07, 2023, at 07:30 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)