Previous Chapter -- Next Chapter
25. Masaalka Shabakadda Kalluumeystaha
“47 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray, oo soo ururinaysa kalluun cayn kasta ah; 48 Oo kolkuu buuxsamay ayay xeebta ku soo jiideen; Markaasay fadhiisteen, oo kalluunkii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way iska tuureen. 49 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu; Malaa'iguhu waa soo bixi doonaan oo kuwa sharka leh ayay kuwa xaqa ah ka soo dhex bixin doonaan, 50 oo waxay ku dhex tuuri doonaan foornada dabka; Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi. 51 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah. 52 Wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer ka noqday boqortooyada jannada, wuxuu la mid yahay madaxa reerka. kan maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.’ (Matayos 13:47-52)