Grace and Truth

This website is under construction !

Search in "Somali":
Home -- Somali -- 14-Christ and Muhammad -- 004 (Divine Promises About Christ and Muhammad)
This page in: -- Cebuano -- English -- German? -- Hausa -- Igbo -- Indonesian -- SOMALI -- Telugu -- Ukrainian -- Yoruba

Previous Chapter -- Next Chapter

14. MASIIX iyo MUXAMMAD
Waxyaabaha Laga Helay Quraanka Kariimka Ah Masiix Iyo Muxammad

3. Ballanqaadyada rabbaaniga ah ee Masiixa iyo Muxammad


Waxaan halkan ka akhrinaynaa Qur'aanka ballanqaadyadii rabbaaniga ahaa ee Maryan ku saabsanaa Masiixa, kan ay ka dhalan lahayd iyada:

“Maryayooy, Eebbe wuxuu kuugu bishaareynayaa kalimad xaggiisa ka timid, magaceeduna yahay Masiix, Ciise, wiilkii Mray, oo aad loogu sharfay adduun iyo aakhiraba; isaguna wuxuu ka mid yahay kuwa Eebbe loogu soo dhowaado." (Suuradda Al-Cimraan 3:45)

يَا مَرْيَم إِن اللَّه يُبَشِّرُك بِكَلِمَة مِنْه اسْمُه الْمَسِيح عِيسَى ابْن مَرْيَم وَجِيها فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَة وَمِن الْمُقَرَّبِين (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٤٥)

Kii ugu sarreeyey Isaga ayaa u wacdiyey Maryan oo si shaqsi ah ugu warramay dhalashadii Masiixa, isaga oo ugu yeeray "Hadal isaga ka yimid." Nebiyadii oo dhami waxay heleen Erayga Ilaah oo waxay u qoreen si daacad ah. Masiix ahaan, isagu ma maqlin oo keliya erayga loo waxyooday, Isaga laftiisu wuxuu ahaa muuqaalka ereyga rabbaaniga ah. Isaga ayaa ku dhexjiray awooda buuxda ee ereyga ilaahay, oo leh abuuritaankeeda oo dhan, bogsiinta, saamaxa, raaxada iyo cusboonaysiinta. Marka laga hadlayo xaqiiqadan gaarka ah, Eebbe wuxuu sii sheegay dhalashadii Masiixa Maryan shaqsiyan, isagoo u xaqiijinaya iyada xaqiiqda mucjisadaas weyn.

Ma aqrin karno Qur'aanka in Muxammad uu ahaa ereyga Eebbe oo jidh ku ah. Wuxuu kaliya ka helay ereyga ilaahay malaa'ig wuxuuna ku akhriyayay dhagaystayaashiisa. Ilaah uguma dhawaaqin dhalashada Muxammad Aamina, hooyadiis; Ruuxa Ilaahna iyada kuma afuufin. Dhinaca kale, Maryan waxay shaqsiyan u wajahday Malaaq Jibriil, oo Ilaah loo soo diray si uu si naxariis leh ugu sharraxo shaqada Ruuxa Quduuska ah ee ku dhex jira. Iyadu waa qofka kaliya ee laga doorto dumarka oo dhan, sida Quraanku sheegay:

“Maryayooy, Eebbaa ku doortay waana ku daahiriyey; Wuxuu idinka doortay dumarka oo dhan." (Suuradda Al Cimraan 3:42)

يَا مَرْيَم إِن اللَّه اصْطَفَاك وَطَهَّرَك وَاصْطَفَاك عَلَى نِسَاء الْعَالَمِين (سُورَة آل عِمْرَان ٣ : ٤٢)

Magaca Maryama wuxuu ku soo noqnoqday Qur'aanka 34 jeer. Taa bedelkeeda, magaca Muxammad hooyadiis, Aamina, weligiis laguma sheegin Qur'aanka - xitaa hal mar. Markuu Muxammad ka codsaday cafis markii ay dhimatay ka dib, Eebbe wuu joojiyey; tani waxay ka dhigtay inuu si qadhaadh u ooyo.

www.Grace-and-Truth.net

Page last modified on November 07, 2023, at 06:29 AM | powered by PmWiki (pmwiki-2.3.3)